Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in Faransiisku uu Axaddii qabtay markab shidaalka qaada kaas oo looga shakisan yahay in uu qeyb ka ahaa maraakiibta sida qarsoodiga ah u shaqeysa ee Ruushka.
Fransiiska ayaa sheegay in ay qabteen markab lagu magacaabo Tagor oo marayay Bada Atlantic iyagoo gacan ka helaya UK iyo xulafado kale. Markabka ayaa watay calan been abuur ah markii la qabtay wuxuuna ku sugnaa qiyaastii 400 mayl cabirka badda gobolka Brittany ee Faransiiska.
“Waa wax aan la aqbali karin in maraakiibtu ay hareer maraan cunaqabateynta caalamiga ah, jabiyaan sharciga badaha, isla markaana maalgelin u sameeyaan dagaalka uu Ruushku ka wado Ukraine,” ayuu Macron ku qoray bartiisa X.
Wasaaradda difaaca ee Britain (MoD) ayaa BBC-da u sheegtay in diyaarad qumaatiga u kaca oo Britain leedahay ay ka qeybgashay hawlgalka.
Kremlin-ka ayaa qabashada markabka ku tilmaamay mid “sharci-darro ah” oo “u dhow burcad-badeednimo caalami ah”.
Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Ruushku qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka xamuulka markabka.
Moscow ayaa adeegsanaysay waxa loo yaqaan “maraakiibta qarsoon” oo ah maraakiib shidaal qaada oo leh milkiyad aan si cad loo aqoon, si ay uga baxsato cunaqabateynta caalamiga ah ee lagu soo rogay dhoofinta shidaalka.
Waa markabkii afraad ee looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay maraakiibtaas “sida qarsoon ku shaqeeya” ee Faransiisku qabto tan iyo Sebtembar 2025.
Macron ayaa sheegay in hawlgalkan, oo ka dhacay biyaha caalamiga ah, loo fuliyay si wadajir ah oo ay ka qayb qaateen xulafada Faransiiska, oo ay ku jirto Britain.
