Donald Trump Oo 24 saacadood u Qabtay Iran.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Donald Trump ayaa sheegay in Iran la siiyay waqti kooban oo ah 24 saacadood, isagoo ka digay in haddii aan xal la gaarin, dunidu ay markhaati ka noqon karto weerarro cirka ah oo aad u ba’an.

Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ay weli kacsan tahay, islamarkaana uu horey u jeediyay digniino la mid ah oo ku saabsan in tallaabo militari la qaadi doono haddii aan heshiis la gaarin.

Donald Trump ayaa sidoo kale u sheegay Fox News in xannibaadda lagu soo rogay dekedaha Iran ay tahay howlgalkii militari ee ugu weynaa taariikhda.

Trump ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay Fox News, isagoo ku amaanay tallaabadaasi mid aad u weyn oo dhanka militariga ah, inkastoo aanu bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cabbirka ama saameynta howlgalka.