Netanyahu Oo Kulan Amni la Qaatay Saraakiil Israa’iili Amrayna In loo Diyaa-garoobo Dagaal Iran ka Dhan ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay inuu qabtay kulan amni oo heer sare ah, iyadoo saraakiil Israa’iili ah ay sheegeen in Israel ay u diyaar garoowday dhammaan xaaladaha suurtagalka ah ee la xiriira Iran.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Israel ay cusbooneysiisay liiska bartilmaameedyadeeda gudaha Iran, taasoo muujinaysa heerka sare ee feejignaanta militari iyo suurtagalnimada tallaabooyin cusub.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay weerareen toddobo doony oo yaryar oo Iran leedahay kuwas oo ka shaqeynayay furitaanka marinka Hormuz.

Donald Trump ayaa u sheegay Fox News in xannibaadda lagu soo rogay dekedaha Iran ay tahay howlgalkii militari ee ugu weynaa taariikhda.

Trump ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay Fox News, isagoo ku amaanay tallaabadaasi mid aad u weyn oo dhanka militariga ah, inkastoo aanu bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cabbirka ama saameynta howlgalka.