Boqolaal shacab ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Ankara, iyaga oo sita boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ka mid yihiin: “Laga bilaabo Qasa ilaa El Fasher, waa hal dhaawac iyo damiir wada jir ah,” “UAE, kala bax gacantaada Suudaan,” iyo “Xasillooni Suudaan iyo nabad gobolka.”
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in Imaaraadku doonayo inuu gacanta ku dhigo kheyraadka Afrika oo dhan, gaar ahaan dahabka iyo uranium-ka Suudaan, isla markaana uu adeegsado kooxo calooshood u shaqeystayaal ah si uu u gaaro danahaas.
Waxay sidoo kale xuseen inay sii wadi doonaan dadaallada ay kaga soo horjeedaan siyaasadahaas, iyaga oo sheegay in ay doonayaan in dunida oo dhan la gaarsiiyo xasuuqa ay ku kacayaan maleeshiyaadka El Fasher.
“Carruur baa la dilay. Dad rayid ah baa la gowracay. Dadkii baxsanayay ayaa dabin loo dhigay. Maanta El Fasher waxay ku jirtaa xaalad agoonnimo, xanuun iyo silic ba’an.”
Turkiga iyo Imaaraadka ayaa ku lug leh colaadaha Suudaan waxa ayna kala taageeraan laba dhinac ee dowladda Suudaan iyo kooxda RSF.

