Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa kordhiyay cadaadiska ay saarayaan Iran iyo Maraykanka si ay u gaaraan heshiis, iyadoo maalmaha soo socda loo arko kuwo go’aan qaadasho leh. Arrintan ayaa timid kadib soo jeedin cusub oo ay Tehran gudbisay iyada oo loo marayo Pakistan, taas oo ujeedadeedu tahay in la soo afjaro dagaalka laguna furo mar kale marin-biyoodka Hormuz, si loo jebiyo ismariwaaga wada-hadallada.
Sida ku cad soo jeedinta Iran, oo Islamabad u gudbisay Washington, waxaa dib loo furi lahaa marinka Hormuz, la qaadi lahaa go’doominta badda, lana joojin lahaa howlaha milatari, halka arrinta nukliyeerka dib loogu dhigi doono marxalad dambe.
Dhinaca kale Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen. ayaa sheegtay in xabbad-joojinta u dhexeysa Iran iyo Lubnaan ay tahay in la ilaaliyo, isla markaana lagu xoojiyo dadaallo diblomaasiyadeed oo joogto ah.
Hadal ay soo saartay, ayay ku adkaysay in hadafka ugu weyn uu yahay in si buuxda loo soo afjaro dagaalka, lana hubiyo dib-u-soo celinta xorriyadda maraakiibta ee marinka muhiimka ah ee Hormuz, iyada oo aan wax khidmad ah lagu soo rogin.
Sidoo kale, waxay tilmaantay in heshiis kasta oo nabadeed uu si dhab ah uga hadlo barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ee Iran, kuwaas oo ay ku sheegtay inay weli yihiin arrin muhiim ah oo u baahan xal waara.
Madaxa Midowga Yurub ayaa ka digtay in saameynta colaadda Bariga Dhexe ay si toos ah u taaban karto amniga dhaqaale ee Yurub, taas oo keeni karta khalkhal ku yimaada suuqyada iyo sahayda tamarta.
Waxay intaas ku dartay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo ilo tamareed oo madax-bannaan oo ammaan ah gudaha Yurub, iyadoo Midowga Yurub uu horey u diyaariyay xirmo siyaasado ah oo la xiriira tamarta si loo xoojiyo xasilloonida iyo isku-filnaanta qaaradda.
