Iiraan ayaa maanta dacwad ka dhan ah Mareykanka u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garnaqsiga Hague, iyadoo ku eedeysay “duullaan militari oo lagu qaaday xarumaheeda nukliyeerka, cunaqabateyn dhaqaale, iyo hanjabaad isticmaal xoog,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iran.
Dowladda Iran ayaa dacwadda ku saleysay qodobada Heshiisyadii Algiers ee 1981, iyadoo ku eedeysay Mareykanka inuu jebiyay waajibaadkiisa caalamiga ah intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iran, iyadoo sheegtay in dacwadda si rasmi ah looga diiwaangeliyay Maxkamadda Dacwadaha Iran iyo Mareykanka bishii Maarso 2026.
Iran waxay maxkamadda ka codsatay inay cambaareyso Mareykanka isla markaana ku qasabto inuu joojiyo dhammaan faragelinta tooska iyo tan dadban ee arrimaha gudaha Iran.
Tehran ayaa sidoo kale dalbatay dammaanad qaad ah inaan xadgudubyadan dib loo soo celin doonin, iyo magdhow buuxa oo ku saabsan dhammaan khasaaraha dalka loo geystay, sida ay sheegtay wakaaladdu.
