Booliska Muqdisho oo Sheegay inay Qabteen Dhalinyaro Abaabulay Rabshado iyo Mucaaradka oo ka Falceliyay

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dhalinyaro lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal rabshado iyo saxmad looga sameeyay baro hubin oo ciidamada ammaanku ka sugayeen amniga caasimadda Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay abuureen xaalado khatar gelin kara amniga, xasilloonida iyo isu socodka bulshada, islamarkaana lagu qabtay goobaha ammaanka laga sugayay, Boolisku wuxuu sheegay in baaritaanno hordhac ah ay socdaan, isla markaana eedeysanayaasha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay inay wali ku daba jiraan shaqsiyaad kale oo lala xiriirinayo falalkan, iyagoo bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan “falal abaabulan oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.”

Booliska ayaa xusay inaan la oggolayn bannaan-baxyo ama isu imaatin aan sharciyeysneyn oo aan fasax ka haysan hay’adaha ammaanka, iyadoo la raacayo habraacyada amniga ee dalka u yaalla.

Dhanka kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay xarigga dhalinyarada, isagoo ku tilmaamay tallaabada mid siyaasadaysan oo lagu cabburinayo aragtida dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka dibadbax nabadeed oo ka dhacay Muqdisho, halka uu sheegay in guud ahaan 15 dhalinyaro ah ay u xiran yihiin dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dhalinyarada loo xirayo in ay si nabad ah u cabireen aragtidooda waxay muujineysaa cabsi sii kordheysa oo taliska Xasan Sheekh ka qabo baraaruga iyo codka dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri xildhibaanku.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo sii daayo dhalinyarada la xiray, islamarkaana la joojiyo waxa uu ku tilmaamay xarigga siyaasadaysan iyo cabsi gelinta dhalinyarada.

Wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda dalka inay garab istaagaan dadka uu sheegay in lagu bartilmaameedsanayo sharci darro, isagoo xusay in “aamusnaantu ay caadiyeyso cabburinta.”