Iiraan Oo ku Dhawaaqday in ay Qaadayso Tallaabooyin cusub Hadii Maraykanku

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

War-saxaafadeed uu soo saaray, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji ayaa “si adag u cambaareeyay” duqeymaha Mareykanka ee ka dhacay guud ahaan Iran.

Wuxuu sheegay in Iiraan ay qaadayso tallaabooyin cusub hadii mar kale maraykanku soo weeraro, isagoo xusay in weerarradan gardarada ah ay jebinayaan heshiiska, oo ahaa heshiis is-afgarad oo ka kooban 14 qodob, kaas oo ay labada dal kala saxiixdeen bishii hore.

Caraqjii ayaa u sheegay Taliyaha Ciidanka Pakistan Field Marshal Asim Munir, oo door muhiim ah ka qaatay wadahadallada dhexdhexaadinta, in Iran ay diyaar u tahay inay isdifaacdo haddii ay dhacaan weerarro kale oo Mareykanku ku soo qaado.