3
Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay, dab xooggan oo qabsaday warshad kabaha lagu sameeyo oo ku taalla koonfur-bari dalka Shiinaha.
Dowladda Beijing ayaa amar ku bixisay in la sameeyo dadaal buuxa oo lagu daminayo dabka, lagu raadinayo dadka weli ku xanniban gudaha warshadda, isla markaana lagu daweynayo dadka dhaawacmay.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ugu yaraan 28 qof ay ku dhinteen dabkaas, iyada oo la rumeysan yahay in dad badan ay weli ku xayiran yihiin gudaha dhismaha.
