Turkiga Oo Maraakiib Kalluumeysi u soo Diri doono Xeebaha Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa sheegay in Turkigu qorsheynayo inuu maraakiib kalluumeysi u soo diro xeebaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in horumarka laga sameeyay dhinaca amniga uu abuuray jawi lagu kalsoonaan karo oo dhiirrigelinaya maalgashiga iyo ka faa’iideysiga khayraadka badda.

Isagoo ka hadlayay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş ayaa xusay in 15 sano ka hor ay adkeyd in laga fikiro fursadaha maanta ka jira Soomaaliya, sababo la xiriiray xaaladda amni iyo khatarta argagixisada. Wuxuu sheegay in isbeddelka muuqda ee maanta jira uu ka dhashay dadaallada ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xasilinayo dalka.

“Shirka Badaha Soomaaliya waa mid aad u muhiim ah. Shan iyo toban sano ka hor way adkayd in laga shaqeeyo fursadaha aan maanta ka hadleyno sababo la xiriiray argagixisada. Maanta ammaanku aad buu u soo hagaagay, waxaana qorsheyneynaa inaan maraakiib kalluumeysi u soo dirno xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Alper Aktaş.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya iskaashi istiraatiiji ah oo taabanaya dhinacyo badan, gaar ahaan difaaca, amniga badda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Dowladda Turkiga ayaa door muuqda ka qaadatay xoojinta awoodda ilaalinta xeebaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dhiirrigelinaysa maalgashiga lagu horumarinayo khayraadka badda iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Hadalka danjiraha ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah, si looga faa’iideysto kheyraadka hodanka ah ee badda Soomaaliya, oo loo arko mid ka mid ah fursadaha ugu waaweyn ee kobaca dhaqaalaha dalka.