Saldhig Milatari oo si qarsoodi ah ay wadajir u Isticmaalayaan Mareykanka, Israil iyo Imaaraatka oo laga hirgalinayo gudaha garoonka Berbera.
Qorshaha waa in garoonkan dadka rayidka ag ay isticmaalaan loo bedelo saldhig istaraatiiji ah oo gobolka ku yaalla, kaasoo dhismihiisa uu socdo mudo 10 bilood ah.
Howshan inta ay bilaabatay karib, waxaa la mamnuucay galitaqnka garoonka, waxaana gebi ahaanba la xiray waddadii ugu weynayd ee loo mari jiray.
Si kastaba, Garoonkan wuxuu ku yaalaa Gacanka Cadmeed, meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, taasoo ka dhigeysa meel muhiim ah oo laga ilaaliyo koonfurta Badda Cas.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Israa’iil ay bishii Diseembar 2025 si aan hore loo arag u aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland.
Sida xogo sirdoon ay tilmaamayaan, howshan waxay ujeeddadeedu tahay in la helo saldhig laga fuliyo hawlgallo oo u dhow Yemen, halkaas oo xoogagga Xuuthiyiinta ay weerarro ka dhan ah Israa’iil ka bilaabeen dabayaaqadii bishii Maarso.
Abu Dhabi ayaa hoggaaminaysa mashruucan iyadoo ka duuleysa heshiis difaac oo ay la gashay Somaliland sanadkii 2017.
