Turkiga Oo soo Bandhigay Gantaal Qaaradaha Isaga Gudbi kara Oo Magac-daray Cismaaniyiintii.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Turkiga ayaa markii ugu horreysay maanta soo bandhigay gantaalka YILDIRIMHAN oo la sheegay inuu yahay nooca ballistic-ga ah oo aad u xawaare sareeya oo hypersonic ah, kaasoo la sheegay inuu gaari karo masaafo 6,000 km , wuxuuna 25 jeer ka dheereeyaa inta uu is gaarayo codka labada qof ee is hor fadhisa, maaddama la sheegay inuu xawaarihiisu yahay 25 Mach.

Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa sameysay Gantaalkan waxana lagu soo bandhigay, bandhigga wax soosaarka Turkiga ee SAHA gantaalkan oo iskaga gudbi kara qaaradaha kaasi oo loogu magac-daray; Yıldırımhan oo ah magac ka soo jeeda Cismaaniyiintii.

Soo bandhigistan ayaa ka dhigan Turkiga inuu ka mid noqonayo dalalka kooban ee haysta gantaallada xawaaraha sare ee hypersonic ah, tani oo sidoo kale muujineysa in Turkigu uu doonayo inuu yeesho awood militari oo madax-bannaan, oo gaari karta meelo fog sida Bariga Yurub, Bartamaha Aasiya, iyo xitaa qaar ka mid ah dalalka Afrika. Wuxuuna markii u horreysay Turkiga dhaafaya masaafada iyo xawaaraha gantaallada ay illaa hadda adeegsatay Iiraan.