Maxkamad ku taala dalka Maraykanka ayaa wuwaadin Soomaali ku xukuntyay 30 sano oo xarig ah kaddib markii lagu helay afduub sababay dhimasho, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda ee dalkaas.
Maxamuud Tooxoow Maxamed oo 44 jir ah ayaa waxaa xukunka ku ridday garsoore federaal ah, kadib markii lagu helay inuu ku lug lahaa dilka Jessica McCormack oo 25 jir ahayd, ahna hooyo haysatay saddex carruur ah.
Sida lagu sheegay dukumentiyada maxkamadda, meydka Jessica McCormack ayaa laga helay 29-kii July 2019 meel u dhow waddo ku taalla gobolka Missouri, kadib markii qof marayay uu arkay boorso casaan ah oo dhinaca waddada taalla iyadoo cagaha qof ka soo baxayaan.
Booliska ayaa markii dambe helay meydka Jessica oo si daran u qudhmay kana ag yiillay boorsada. Baaritaanka DNA-da ayaa sidoo kale muujiyay in dhiiggeeda laga helay qalab ku jiray gaari ay wada isticmaali jireen iyada iyo Mahamed.
Jessica ayaa markii ugu dambeysay la arkay iyadoo nool 16-kii July 2019, xilli booliska loogu yeeray gurigeeda. Waxay markaas u sheegtay lambarka degdegga ee 911 in Mahamed uu mindi ku handaday isla markaana isku dayay inuu ku qasbo galmo.
Waxay sidoo kale sheegtay inay ka baqeysay badqabka saddexdeeda carruurta ah oo guriga kula sugnaa.
Maalin kadib, Jessica iyo carruurteeda ayaa la waayay kadib markii lagu guuldareystay in lala xiriiro. Carruurta ayaa ugu dambeyn laga helay guri ku yaalla magaalada Des Moines ee gobolka Iowa bishii Agoosto 2019.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Tooxow uu dalka ka baxsaday kaddib markii uu carruurta kaga tegay Iowa, wuxuuna baxsad ahaa ilaa laga soo qabtay lagana soo masaafuriyay Guatemala sanadkii 2021.
Kiiska ayaa waxaa baaray FBI-da iyo dhowr waaxood oo boolis oo ku kala yaalla gobollada Missouri, Minnesota iyo Iowa, kuwaas oo u guulaystay in eedeysanaha gacanta lagu soo dhigo, si caddaalada loo horkeeno.
