Wasaaradda Macdanta oo Joojisay Dhoofkii Dahabka ee ka bixi jiray Madaarka Hargaysa Isla markaana Cashuur 4500 Dollar ah ka rabta 1kg ee Dahabka ah halka markii hore lagu cashuurayay 260 Dollar.
5 Maalmood ee u danbeeyay wax Dahab ah kama bixin Madaarka Hargaysa ka dib markii Ganacsatada Dahabka cashuuro aanay qaadi karin dul dhigtay Wasaaradda Macdantu.
Dhoofintii Dahabka ayaa Ganacsatada Dahabku u wareejyeen labo meelood, Dahabkii Awdal waxaa loo leexiyay dhanka Itoobiya halka Dahabka ka imanayay Sanaag isna loo leexiyay Boosaaso.
Arintan ayaa saamayn dhaqaale ku keenaysa Dalka maadaama markii horena ay hoos u dhacday alaabta ka soo degta Dekada Berbera.
Ilaa hada Wasaaradda Maaliyadu wax Jawaab ah kama bixin amarka joojinta dhoofka Dahabka ee Wasaaradda Macdantu soo saartay.
