Hay’adaha NASA iyo Roscosmos ee Mareykanka iyo Ruushka Oo Heegan-geliyey Shaqaalihii ku Sugnaa Saldhigga Hawada Sare

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adaha NASA iyo Roscosmos ee Mareykanka iyo Ruushka ayaa heegan geliyey shaqaalihii ku sugnaa Saldhigga Hawada Sare ee Caalamiga ah (ISS), kadib markii la ogaaday dillaac sababay in hawadu ka baxdo qayb ka mid ah saldhigga.

Cirbixiyeennada ayaa loo diyaariyey qorshe daad-gureyn degdeg ah, waxaana qaarkood loo wareejiyey dayax-gacmeed diyaar u ahaa inuu dib ugu soo celiyo dhulka haddii xaaladi soo kotadho.

Baaritaanno iyo dayactir degdeg ah kadib, khubaradu waxay ku guulaysteen inay xakameeyaan dhibaatada, waxaana la xaqiijiyey inaysan jirin khatar degdeg ah oo soo wajahday shaqaalaha saldhigga.

Saldhigga Hawada Sare ee Caalamiga ah (ISS) ayaa ku wareega dhulka qiyaastii 400 km korkiisa, waxaana si wadajir ah u maamula NASA, Roscosmos, ESA, JAXA iyo CSA. Saldhiggu wuxuu hoy iyo goob cilmi-baaris u yahay cirbixiyeennada, isagoo ku shaqeeya koronto laga dhaliyo cadceedda, halka hawada, biyaha iyo cuntadana si joogto ah looga maareeyo gudaha. Inkastoo uu yahay mashruuca hawada sare ee ugu weyn dunida, haddana wuxuu wajahaa khataro ay ka mid yihiin dillaacyada hawada, qashinka hawada sare iyo ciladaha farsamo.

Screenshot

Screenshot

Screenshot

Screenshot