Dagaal Galabta Ilaa Caawa ku Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Ciidanka PSF Koonfurta Boosaaso.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dagaal galabnimadii ilaa fiidkii caawa ku dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Ciidanka gaarka u tababaran ee PSF ayaa istaagay, waxaana degan xaaladda goobihii lagu dagaallamay ee deegaanka Laag oo dhaca koonfurta Boosaaso.

Xiisadda dagaalka ayaa salka ku haysa kaddib markii ay Puntland soo saartay ammar ah inaan ciidan aan ka amar qaadan aysan deegaannadeeda joogi karin, iyadoo Puntland ku eedaynayso PSF inay xilligan ka tirsan tahay ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Todobaadyadii ugu dambeeyayna, waxaa Puntland ka jiray xiisado colaadeed oo la xidhiidha ciidamo daacad u ah DFS oo fadhiisimo ka samaysanayay gobollada maamulkaas ee Nugaal, Bari, iyo Mudug.

Dhanka kale, Taliyaha Qaybta 54aad ee dhawaan dowladda Soomaaliya u magacowday Puntland, Jimcaale Jaamac Takar, ayaa gaaray taliska ciidanka uu hoggaamiyo oo ku yaalla duleedka caasimadda Puntland. Waxaa la sheegay inuu jiro wadahadal u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo Taliye Jimcaale, kaas oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Ciidanka PSF ayaa ah unug gaar u tababaran oo loo diyaariyay hawlgallada gaarka ah. Ciidankan waxaa markii hore gacanta ku hayay saadkiisa iyo saannadiisa shirkado ammaan oo hoostaga dalka Maraykanka. Hase ahaatee, kaddib doorashadii madaxtinnimada Puntland ee 2019 oo uu ku guulaystay Siciid Cabdilaahi Deni, ciidanka PSF ayaa noqday laan aan hoos tegin maamulkiisa, waxaana marar kala duwan dhexmaray dagaallo ka dhacay Puntland.