Golaha Mustaqbalka oo Warqad layaab leh u Diray Wadamada Ciidamada ka Joogaan Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah oo ay udireen hoggaamiyayaasha dalalka ciidamadu ka joogan Soomaaliya, ee ku shiraya Uganda, waxay u sheegeen in dowladnimadu lumisay sharciyadii heshiiska lagu ahaa, diiday heshiis siyaasadedna.

Golaha ayaa ku baaqay in loo baahan yahay dhismaha Gole KMG ah oo la wareega talada dalka, si loo soo celiyo sharciyadda iyo kalsoonida, Goluhu wuxuu ku baaqayaa in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay lagu dhiso Gole Kumeel-gaar ah, golahan ayaa la soo jeediyey in uu sameyn doona geedi-socodka dastuurka iyo doorashooyinka ilaa inta laga dhisayo hay’ado qaran oo sharci ah, kaas oo dhowri doonaa dhex-dhexaadnimada ciidamada iyo hay’adaha dowladda.

Golahu wuxuu madaxda dalalka AUSSOM ugu baaqayaa inay shirkooda Kampala u adeegsadaan inay taageeradooda ku xiraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, In hawlgalka AUSSOM uu sii joogo ama taageero la siiyo Soomaaliya waa inay shuruud u noqoto helitaanka heshiis siyaasadeed oo sharciyad u soo celiya dalka, si aaney meesha uga bixin Naf-hurkii 19-kii sano ee ciidamadooda ay ku bixiyeen dowladnimada Soomaaliya.