Dad ka Caraysan Qodobo ku Jira Heshiirka Iran ay la Gashay Maraykanka Oo Banaan-bax ka Dhigay Xarumaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Iyo Wasiir Araghchi
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad-Bagher Ghalibaf iyo wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa maraya imtixaan adag oo ay ka wajahayaan wada-xaajoodka ay hoggaaminayeen ee ay kula jiraan Mareykanka , ka dib markii ay isku soo baxyo ka dhaceen albaabka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan oo ay dhigayaan dad ka soo horjeeda in qodobbada heshiis ay shaki badan muujinayaan, iyagoo ku tilmaamaya kuwa muujinaya tanaasul ay sameysay Iiraan, tallaabadaa oo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan, sida ay sheegtay Reuters.
Warbaahinta Iiraan ayaa sidoo kale baahisay cododka shaqsiyaad ay ka mid yihiin xubnaha guddiga amniga Baarlamaanka Iiraan, kuwaasoo dhaleeceynaya nooca heshiis ay Iiraan la galayso Mareykanka, waxayna caddeyeen inaysan oggolaan doonin heshiis gacanta Iiraan ka saaraya marin-biyoodka Hormuz iyo barnaamijka nukliyeerka inay Iiraan la gasho Mareykanka, halka Araghchi uu ku adkaysanayo in la sugo qodobbada rasmiga ah ee la shaacin doono marka heshiiska la gaaro.
