Madaxwaynaha Israel Oo ka Hadlay Iskaashi Iyo Qorshayaal ay Isku Raaceen Somaliland Iyo Israel

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

“Waxaan u baahanahay inaan ka gudubno hadallada iyo bayaannada oo aan u gudubno iskaashi dhab ah oo dhex mara shacabka labada dhinac, annagoo ka wada shaqaynayna dhinacyo badan oo muhiim ah.”ayuu yiri Madaxwaynaha Israel oo ka garab hadlayay madaxwayne Ciro

“Waxaan wada yeelannay wada-hadal qoto dheer oo ku saabsan arrimo badan oo ay labada dhinac dan ka wadaagaan.”

Labadeennuba waxaan wajahnaa caqabado istiraatiiji ah oo muhiim u ah dalalkeenna, waxaana si wadajir ah noogu hanjaba xagjirnimada iyo fikradaha rabshadaha wata.

Waxaan wada dooneynaa amni iyo xasillooni gobolka iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaan isku raacsanahay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda maraakiibta iyo isu-socodka badda.”ayuu hadalka kusoo koobay Madaxwaynaha Israel