Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Wall Street Journal ayaa ku warramay Shiinaha inuu si xawaare sare leh u yareynaya farqiga u dhexeeya isaga iyo Mareykanka ee dhinaca awoodda dayax-gacmeedyada, isagoo si weyn u ballaarinaya awoodihiisa kormeerka, hagidda iyo adeegsiga milatari ee hawada sare.
Shabakadda sii kordheysa ee dayax-gacmeedyada Shiinaha ayaa sare u qaadaysa awooddiisa ururinta xogta sirdoonka, bartilmaameedsiga saxda ah iyo la socodka dhaqdhaqaaqa ciidamada Mareykanka.
Dhanka kale, horumarka uu ka sameynayo nidaamyo beddel u ah GPS-ka, adeegsiga garaad-gacmeedka(AI) iyo hubka lagu beegsado dayax-gacmeedyada, ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo in Beijing ay noqoto tartan sii xoogeysanaya oo caqabad ku noqda hoggaanka milatari ee Mareykanka ee hawada sare.
