Trump Oo Sheegay In Lagu Dhaw-yahay Heshiis lala Galo Iran iyo Iran oo ka Hadashay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa sheegay caawa inay ku dhaw-yihiin heshiis lala galo Iran waxuuna yiri:“Waxaan ku dhow nahay inaan dhameystirno heshiiska lala galayo Iiraan.”

Trump wuxuu sheegay inuu wada-hadallo telefoon la yeeshay: Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, Ra’iisul wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Taliyaha ciidanka Pakistan,Asim Munir,Madaxweynaha Turkiga,Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi,Boqor Abdullah II ee Jordan. iyo boqorka Baxrayn Hamad bin Isa Al Khalifa.Wuxuu sheegay in wada-hadalladaasi ay ku saabsanaayeen arrimaha la xiriira Iiraan iyo heshiis is-afgarad oo nabadeed.

Trump ayaa intaas ku daray; “Waxaa si weyn looga shaqeeyay heshiis u dhexeeya Mareykanka, Iiraan iyo dalalka kale ee ku lugta leh, waxaana hadda harsan oo keliya faahfaahinta ugu dambeysa.”

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu wada-hadal la yeeshay Netanyahu.

Trump wuxuu sheegay in qodobada iyo faahfaahinta ugu dambeysa hadda laga doodayo, islamarkaana dhawaan lagu dhawaaqi doono heshiiska.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qeyb kamid ah heshiiska ay noqon doonto furitaanka marin-biyoodka Hormuz.

Dhinaca kale Al-Jazeera oo ka soo xigtay mas’uuliyiinta Iiraan; Heshiiska Iiraan & Mareykanka waxa ugu muhiimsan; in la joojiyo dhammaan dagaallada ka dhanka ah Iiraan & Lubnaan, xayiraadda oo laga qaadayo hantida ka xanniban Iiraan & ciidanka Mareykanka oo ka fogaada Iiraan, iyada oo muddo bil ah ka dibna laga wada hadli doono Barnaamijka Nukliyeerka.

Iiraan & Cummaan ayaa ka dib heshiiska iyana ka wada-xaajoonaya maamulka marinka Hormuz oo Iiraan ay ka samaysay dhaqaale badan, inta uu socday dagaalka Bariga-dhexe.

Trump ayaa isagu sheegey in la dhammaystirayo heshiis-nabadeed oo ay soo dhiraan-dhiriyeen dalalka Carabta & Islaamka.