Ali Abdullahi, oo ah taliyaha Xarunta Taliska Khatam al-Anbiya — oo ah hay’adda masuulka ka ah maamulka dagaalka Iran — ayaa bayaan laga sii daayay telefishinka qaranka ku sheegay in “Mareykanku uu si xawli ah ugu sii socdo dagaal heer gobol ah, sababo la xiriira istiraatiijiyad khatar ah oo ujeeddadeedu tahay ballaarinta iyo helitaanka awood-sheegasho sharci-darro ah oo ka jirta guud ahaan gobolka.”
Ali Abdullahi ayaa intaas ku daray in Mareykanku uu dagaalkiisii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Iran ku caddeeyay inuusan “ka waabanayn inuu waxyeelleeyo ama xitaa burburiyo danaha iyo kheyraadka Muslimiinta si uu u gaaro ujeeddooyinkiisa gurracan.”
Sida ay sheegtay BBC-da Carabiga, Taliye Ali Abdullahi ayaa uga digay waddamada gobolka inay la shaqeeyaan Washington inta lagu guda jiro khilaafka, isagoo yiri: “Waddan kasta oo Mareykanka u adeegsada gaashaan difaac ah, waxaa gubi doona dabka dagaalka.”
Wuxuu ku boorriyay waddamada Islaamka inay dib u eegis ku sameeyaan xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka, wuxuuna sheegay inay tahay inay garwaaqsadaan in Washington ay ka faa’iidaysanayso raasamaalkooda, hantidooda, kaabayaasha muhiimka ah iyo kheyraadka istiraatiijiga ah, isla markaana ay u adeegsanayso “gaashaan difaac u ah ciidankeeda, iyadoo isla markaasna xoojinaysa amniga ‘dawladda sahyuuniga ‘.”
Dhinaca kale Maraykanka ayaa isku diyaarinayo weerar ballaadhan oo lagu beegsanayo kaabayaasha tamarta ee Iiraan, kaas oo la sheegay invuu bilaaban karo maanta ama berri, islamarkaana ay suurtagal tahay in Israa’iil ay qayb ka noqoto.
The Wall Street Journal waxay sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay weerarradaas, halka CBS News ay werisay in amarka kama dambaysta ah aan weli la soo saarin.
Iyagoo ka jawaabaya arrintaas, ayaa mas’uuliyiinta Iiraan waxa ka digeen in weerar kasta oo hor leh oo lagu qaado dalkooda lagaga jawaabi doono falcelin ballaadhan, waxayna sheegeen in sii socoshada weerarrada Maraykanku ay “sii adkayn doonto xanibaadda Marinka Hormuz.”
