Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shir guddoomiyay kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray amniga, dhaqaalaha, xaaladda siyaasadeed ee gobolka iyo siyaasadaha isdiidan ee dunida kusoo kordhaya.
Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in shacabka Jabuuti ay ka sugayaan dowladda siyaasad cad oo dheellitiran, taas oo isku wadi karta dhinacyada kala duwan ee siyaasadda caalamka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo ilaalinta danaha iyo madaxbannaanida dalka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah looga feejignaado xaaladaha khatarta ku ah amniga iyo jiritaanka Jabuuti, isla markaana la xoojiyo kulamada iyo dadaallada lagu dhisayo kalsoonida shacabka iyo taageerada ay u hayaan dowladda.
“Xaaladda juqraafiyeed iyo tan siyaasadeed ee gobolka waxa ay nagu waajibinaysaa in aan mar walba feejignaanno. Khataraha cusub ee amniga sida internetka iyo wararka marin-habaabinta ah waxay u baahan yihiin istaraatiijiyad casri ah oo wax ku ool ah,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in nabadda, waxbarashada, caafimaadka, tababarrada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ay yihiin tiirar muhiim u ah dhismaha kalsoonida shacabka iyo xoojinta dowladnimada.
Jabuuti ayaa martigelisa saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin quwado caalami ah oo siyaasad ahaan ku kala aragti duwan, oo ay kamid yihiin Maraykanka iyo Shiinaha. Dowladda Jabuuti ayaa hore u sheegtay in ay si dhow uga feejigan tahay saameynta tartanka quwadahaasi ku yeelan karo siyaasadda iyo danaha qaranka.
