Ciidamada Ciraaq oo fashiliyay hawlgal lagu tuhunsan-yahay in shidaalka si sharci-darro ah loogu tahriibinayay, kaasoo qiimihiisu gaarayo boqollaal milyan oo doolar:
Dhuumaha shidaalka ee Jurf al-Sakhar (Babil) ayaa sannado badan si sharci-darro ah loo xadayay.
Tahriibiyeyaasha ayaa shidaalka ceyriin ka shubanayay tuubo 26 inch ah oo maalinkii qaadeysay qiyaastii 200,000 oo foosto, iyagoo u leexinayay godad qarsoon iyo warshad yar oo shidaalka sifaysa oo qarsoodi ah, waxaana lagu soo warramayaa inay xiriir leeyihiin kooxaha ay Iran taageerto.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in dhaca shidaalkani uu sababay khasaare gaaraya boqollaal milyan oo doollar tan iyo sannadkii 2021.
F.G: Tani waxay caddeyn u tahay in shidaalka laga soo saaro dal aanan amni ahaan iyo siyaasad ahaanba xasillooneyn ay iska bililiqeysan doonaan shirkadihii soo saaray, siyaasiyiinta afar-jeeblayaasha ah iyo maleeshiyaadka hubeysan ee aan dowladda ka ammar-qaadan, halka shacabkii iyo deegaankiiba aynan wax aan khasaaro ahayn ka dheefeyn.
Tusaalaha ugu habboon, Ciraaq, Suuriya, Liibiya, South Sudan. Dhammaan dalalkan waxay soo saaraan shidaal badan laakiin shacabkooda waxay la daalaadhacayaan sicir-barar, shaqo la’aan, dhaqaalo xummo iyo maqnaanshaha dowlad awood leh.
