Saturday, September 5, 2026

Dagaalka Maraykanka iyo Iran Oo Waji kale Yeeshay

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu weerar ku qaaday saddex markab oo ah nooca shidaalka cayriin qaada ee Iiraan, halka Iiraan ay dhankeeda sheegtay inay weerarradan ka jawaabtay.

Mareykanka oo sharraxay ujeeddada weerarka maraakiibta Iiraan, wuxuu sheegay inuu jawaab u ahaa isku day ay Ilaalada Kacaanka Iiraan ku doonayeen inay ku weeraraan laba markab oo dagaal oo Mareykan ah, kuwaas oo roondo ka waday biyaha gobolka.

Mareykanku wuxuu hore u sheegay inuu beddelay xeerarka dagaalka, isagoo digniin ka bixiyay in haddii Ilaalada Kacaanka Iiraan ay weeraraan maraakiibta shidaalka ama maraakiibta dagaalka ee Mareykanka, Washington ay iyaduna beegsan doonto maraakiibta shidaalka ee Iiraan, taasoo ah waxa maanta dhacay.

Waxyar ka hor, waxaa dhankooda warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ay ku sheegeen inay bartilmaameedsadeen saddex markab ooo shidaalka qaada iyo saddex markab oo xiriir la leh Mareykanka, iyagoo sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday saddex markab ee shidaalka qaada oo Iiraan leedahay.

Maxay tahay waxa xiga ee la filan karo?

Mareykanka iyo Iiraan midkoodna ma helin hab uu si dhammeystiran dhinaca kale ugu qasbo tanaasul iyo miiska wadahadalka in lagu laabto , taasoo qasbaysa inay dib ugu laabtaan cadaadis iyo weerarro is-daba jooga.

Halka dagaalka ugu weyn hadda ka socda waa marin-biyoodka Hormuz.

Iiraan waxay rabtaa inay muujiso in aysan cidina si fudud uga qaadi karin awoodda ay ku leedahay marinka, halka Mareykanku isku dayayo inuu maraakiibta shidaalka mariyo, isla markaana uu dhaqaale ahaan cadaadis ugu saaro Iiraan.

Dhibaatada Iiraan haysata ayaa ah in xannibaadda Mareykanka ay si weyn u dhintay dhoofintii shidaalka. Xogaha ugu dambeeyay waxay muujinayaan in dhoofintii shidaalka Iiraan ay hoos uga dhacday heerarkii hore ee dagaalka. Taasi waxay si toos ah u taabanaysaa dhaqaalaha Iiraan.

Laakiin Iiraan wali waxay haysataa hal awood oo muhiim ah,waa inay khalkhal geliso maraakiibta mara Hormuz. Taasi waa sababta Mareykanku xoogga u saarayo ilaalinta marinka, miinooyinka badda iyo maraakiibta shidaalka.

Mareykanku wuxuu doonayaa inuu cadaadiska sii wado ilaa Iiraan ka jilicdo, halka Iiraanna ay isku dayayso inay Mareykanka tusiso in dagaalku uusan noqon karin mid qiimo jaban. Labada dhinacba waxay rajaynayaan in kan kale marka hore daalo.

Waxa aan hadda filan karno waa in weerarrada badda iyo kuwa shidaalka ay sii socdaan. Mareykanku wuxuu horay u muujiyay inuu diyaar u yahay inuu beegsado maraakiibta shidaalka Iiraan, halka Tehran ay sheegtay inay sii wadi karto weerarrada haddii cadaadiska lagu hayo.

Haddii weerarradan ay ku ekaadaan maraakiib iyo xarumo militari, dagaalku wuxuu sii ahaan karaa xaalad jiitamaysa. Laakiin haddii Iiraan ay ku guuleysato inay markab Mareykan ah gaarsiiso khasaare weyn, ama Mareykanku weeraro xarumo shidaal oo muhiim ah gudaha Iiraan, jawaabaha xiga waxay noqon karaan kuwo aad u culus.

Sidaas darteed, waxa hadda muuqda ma aha dhammaad dagaal, mana aha dagaal buuxa oo labada dhinac ay si aan xad lahayn ugu socdaan. Waa dagaal la isku cadaadinayo, iyadoo labada dhinacba ay isku dayayaan inay helaan meel ay ka gorgortamaan iyadoo mid kasta uu raadinayo marka miiska wadahadalka la tagayo inuu gacanta sare leeyahay.

Haddii aan hal meel ka fiirino jihada uu dagaalku u socdo, Hormuz ayaa weli ah furaha. Cidda awoodda u yeelata marinka, ama cidda ku qasbaysa dhinaca kale inuu ka tanaasulo shuruudihiisa, ayaa yeelan doonta gacanta sare. Ilaa taas la gaaro, dagaalku wuxuu u badan yahay inuu mar kululaado, marna yara dego, balse si fudud uma dhammaanayo.