Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Looga Hadlay Colaada ka Taagan Awdal Iyo Salal Iyo Qodobo kale.

by Heemaaln
5 minutes read
A+A-
Reset

Fadhigii 61-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 61-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:

𝟏) 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo xusay in guud ahaan ammaanka dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu iftiimiyey dedaallada ay Xukuumaddu hormuudka ka tahay ee lagu xoojiyey nabadda Gobollada Awdal iyo Selel, kuwaas oo keenay is-afgarad, dejinta xiisadaha, iyo adkaynta wada noolaanshaha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL waxa uu carrabka ku adkeeyey in guulo wax ku ool ah laga gaadhay dedaallada nabadaynta Gobollada Awdal iyo Selel, isla markaana ay muhiim tahay sii wadista iyo xoojinta nabadgelyada si loo ilaaliyo horumarka dalka.

Wasiirku waxa uu si qoto dheer ugu mahad naqay cid kasta oo gacan ka geysatay arrintaasi, gaar ahaan masuuliyiintii sare ee ka socday Xukuumadda ee uu Madaxweyne ku-xigeenku kow ka ahaa oo si hawl-karnimo leh uga soo dhalaalay xallinta khilaafaadka iyo adkaynta nabadda iyo xasilloonida Gobollada Awdal iyo Selel.

𝟐) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐜𝐢𝐢𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞:

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixiyey in Dagaalka Bariga Dhexe uu si weyn u saameeyey nolol-maalmeedka shacabka, isaga oo sababay kor u kac ku yimaadda qiimaha shidaalka, taas oo si toos ah u kordhisay sicirka maciishadda. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in uu hoos u dhac ku yimi dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee suuqyada Caalamka.

Wasiirka Ganacsiga waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay si dhow ula socoto isbeddelka qiimaha shidaalka iyo maciishadda, isla markaana ay wada-tashi joogto ah la leedahay ganacsatada dalka, isaga oo xusay in dalka uu yaallo kayd ku filan oo raashin iyo shidaal ah.

𝟑) 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isaga oo xusay in xanuunnada Jadeecada iyo Shubanku ay ka dillaaceen qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyada oo ahmiyad siinaysa Caafimaadka Bulshada ay qaadday tallaabooyinkan:

1. Dejinta Qorshaha ka-hortagga iyo xakamaynta Xannuunnada faafa,

2. Sugitaanka iyo la socodka xogaha rasmiga ah ee xanuunnada,

3. Diyaarinta Kooxaha Gurmadka Degdegga ah ee wax ka qabashada xanuunnada.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu ka warbixiyey safar shaqo oo uu isaga iyo hawl-wadeennada Wasaaraddu ku tageen qaar ka mid ah Gobollada dalka, si ay u qiimeeyaan xaaladda guud ee caafimaad dalka iyo xoojinta adeegyada. Wasiirku waxa uu xadhiga ka jaray adeegyo caafimaad oo lagu soo kordhiyey Dhakhtarka weyn ee Boorama, sida CT-SCAN iyo Mishiinada Kelyaha Sifeeya, iyo Dhagax-dhigga Dhakhtarka Degmada Boon.

𝟒) 𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐰𝐝𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲

Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay hindisaha ay Wasaaraddu wado ee ku saabsan hirgelinta Aagga Warshadaha ee Gobollada Awdal iyo Gabiley, isaga oo xusay in tallaabadani ay tahay mid istaraatiji ah oo lagu dhiirri gelinayo maalgashiga taasi oo abuuri doonta fursado shaqo, isla markaana kor u qaadi doonta wax-soo-saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Wasiirku waxa uu xusay muddadii ay jirtay Xukuumaddu in Wasaaraddu ay ku guulaystay sugitaanka Aagga Warshadaha ee Gobollada dalka, taasina ay maalgashatada u fududayn doonto in ay ku soo dhiirradaan Jamhuuriyadda Somaliland.

𝟓) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐓𝐢𝐫𝐨-𝐤𝐨𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋:

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi ayaa Golaha Wasiirrada siisay warbixin ku saabsan qiyaasta tirada Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo halbeegyada la qaadan karo si loo helo xog lagu kalsoonaan karo. Wasiirku waxa ay xustay in kasta oo tirada Dadweynaha JSL ee gudaha dalka lagu qiyaaso in ka badan 6.2 Milyan qof, haddana ay lagama maarmaan tahay in la helo tiro-koobka saxda ah ee Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirku waxa ay tilmaantay in xogta tiro-koobka Dadweynuhu ay saldhig u tahay Qorsheynta xagga barnaamijyada horumarineed ee dadka iyo dalka, qaybinta kheyraadka, iyo dejinta Siyaasadaha Horumarinta bulshada ee mustaqbalka. Wasiirku waxa ay sheegtay in sugitaanka xogta dhabta ah ee tirada Dadweynaha JSL ay door weyn ka qaadan karto koboca dhaqaalaha, jaan-goynta halbeegyada horumarka iyo bixinta adeegyada bulshada.

𝟔) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐊𝐨𝐫𝐨𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚;

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Axmed Jaamac Barre ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin la xidhiidha xaaladda korontada dalka guud ahaan, isaga oo si gaar ah u xusay in kor u kaca qiimaha shidaalku uu si toos ah u saameeyey kharashka korontada iyo nolosha bulshada. Waxa uu tilmaamay in arrintani keentay culays dhaqaale oo soo foodsaaray shacabka, isla markaana ay Wasaaraddu waddo dedaallo lagu xasilinayo qiimaha iyo kor u qaadidda ilaha tamarta si loo yareeyo saamaynta.

𝟕) 𝐇𝐚𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋:

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in safarkii shaqo ee nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Gobollada Awdal iyo Selel, oo socday muddo 20 cisho ah, uu si guul leh ku soo dhammaaday. Waxa uu xusay in dadaalladaasi keeneen is-afgarad iyo xasillooni muuqata.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay feejignaan joogto ah iyo taxaddir dheeraad ah si loo ilaaliyo amniga labadaa gobol, isaga oo tilmaamay in ay jiraan cadow gudaha iyo dibaddaba ah oo mar walba ku hawlan hurinta amni darrada Gobollada galbeedka.

Ugu dambayn, waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay lama huraan tahay in Hay’adaha Dawladdu ay si hufan oo dhab ah u gutaan waajibaadkooda si loo adkeeyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada iyo Dawladnimada.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.