Iran Oo Guuleysatay Qalab lagu Horumariyo Gantaallada iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa la sheegay inay ku guuleysatay qalab lagu horumariyo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka iyo la-taliyeyaal militari inay u dirto gudaha Yemen, si ay gacan uga siiyaan Xuutiyiinta inay sare u qaadaan awoodda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay maanta baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sidoo kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa warsaxaafadeed ay waxyar ka hor baahiyeen waxay ku sheegeen inay hadda awood u leeyihiin inay la socdaan goob kasta oo Mareykanku isku dayayo inuu ka soo weerarro Iiraan, iyagoo ku dhawaaqay in dal kasta oo laga soo weerarro Iiraan uu noqonayo bartilmaameed sharci oo la beegsanayo.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay weerarradii u dambeeyay ee toddobaadkan Mareykanka uu ka gaystay inuu u adeegsaday gantaallo uu ka soo riday maraakiib dagaal oo ku sugan badweyna Hindiya, markii gantaallada ay ka dhammaadeen maraakiibtana uu adeegsaday diyaaraddo bambooyin culus qaada ee B-1 bomber oo ka soo kaca saldhigga ciidanka cirka RAF Fairford oo ku yaal koonfur-galbeed dalka Ingiriiska, kaasoo masaafo 4,000 km ah u jira dhulka Iiraan.

Warbixintan ayaa sidoo kale soo bandhigtay inay jirto suragalnimo ay Iiraan isugu diyaarinayso dagaal ballaaran iyo weerarro jihooyin kala duwan ah oo ay isaga caabiso, xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan

Trump ayaa markii u horreysay sharraxay sababta aysan Israa’iil uga qaybgalin weerarradii u dambeeyay ee Mareykanka ka fuliyay Iiraan, isagoo si cad u sheegay haddii Israa’iil ku biirto weerarrada inay wajahayso cawaaqib ka dhalanaya weerarro jawaab celin ah oo Iiraan ku qaadi karto gudaha Israa’iil, sida ay werisay warbaahinta Aqalka Cad ku dhow ee Axios.

Warbixinta Axios, ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu Trump ku dhowyahay inuu go’aan ka gaaro ballaarinta weerarrada uu Mareykanku ka wado gudaha Iiraan.