Burco: Laba dhallinyaro TikTokers ah oo mic isu qaatay [iska aflagaadeeyay TikTok] ayaa mid ka mid ahi hay’adihii sharciga u adeegsaday kii kale.
Abwaan Nabad-kaab oo Burco jooga ayaana la xidhay, kaddibna muuqaal laga duubay oo loo diray wiilkii ay is-afdhaafeen oo qurbaha jooga.
Abwaanku wuxuu ka soo jeedaa beesha Habar Awal, halka kan amarka xadhiggiisa bixiyay ee muuqaalka looga duubayna uu deegaan ahaan ka soo jeedo beelaha Habar Yoonis.
Muuqaalkii ayaa baraha bulshada lagu faafiyay, iyadoo Abwaanka kabaha iyo suunka lagaga furayo saldhigga dhexdiisa, laguna ihaanaysanayo muwaadinkaas sida sharci-darrada ah loo xidhay.
Kooxdan adeegsatay Booliska ayaa TikTok kaga faanaya inay iyagu dalka haystaan, Booliska iyo hay’adaha sharcigana maamulaan.
Taariikhda waa markii ugu horreysay ee saldhig Somaliland ku yaalla dhexdiisa muuqaal laga soo duubo, iyadoo muwaadin si kibir ah loogu dhex dulmiyayo.
