Dawlada Aljeeriya ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay ku eedeysay inay taageero kooxo goonni-goosad ah oo dalkeeda ka jira..
Telefishinku wuxuu baahiyay war degdeg ah oo lagu sheegay: “Aljeeriya waxay go’aansatay inay u jarto xiriirka diblomaasiyadeed Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay dhammaatay dhammaan fursadihii lagu ilaalin lahaa xiriirka labada dal.”
Intaas kaddib, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in “kaddib markii la dhammeeyay dhammaan fursadihii lagu ilaalin lahaa xiriirka labada dal, dowladda Aljeeriya maanta waxay go’aansatay inay u jarto xiriirka diblomaasiyadeed Imaaraadka Carabta.”
Bayaanka ayaa tilmaamay in safiirka Imaaraadka Carabta lagu qaabilay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, “halkaas oo si rasmi ah loogu wargeliyay nuxurka go’aankan. Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay in loo qabtay muddo 48 saacadood ah si uu go’aankan u fuliyo.”
Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Iyadoo ay sii kordhayaan tallaabooyinka kicinta ah ama colaadeed ee ka imanaya Imaaraadka Carabta, Aljeeriya waxay muujisay dulqaad badan iyo dareen sare oo masuuliyadeed. Iyadoo ka duulaysa ixtiraam buuxa oo loo hayo mabaadi’da hagta xiriirka u dhexeeya dowladaha, Aljeeriya waxay dadaal kasta u gashay inay dhinaca Imaaraadka ku wargeliso arrintan, ugana digto cawaaqibka culus ee ka dhalan kara hab-dhaqankiisa laga xumaado ee aan wax cudurdaar ah lahayn.”
Madaxweynaha Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, ayaa dhowr jeer muujiyay suurtagalnimada in xiriirka loo jaro Abu Dhabi, sidoo kalena wuxuu adeegsaday erayga “dowlad-yar” markii uu ka hadlayay waddanka Khaliijka.
