Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ayaa walaac xooggan ka muujiyay colaadda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, taas oo uu sheegay inay sii xumaynayso xaaladda bani’aadannimo ee halkaas ka jirta.
OCHA ayaa sheegtay in rabshadaha soo noqnoqday ay dhibaato hor leh ku hayaan bulshada horeyba ula tacaalaysay abaaro, barakac daba-dheeraaday iyo xaalado nololeed oo adag.
Xafiisku wuxuu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladda dadka barakacayaasha ah, haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah, kuwaas oo wajahaya khataro dheeraad ah oo ka dhashay amni-darrada iyo barakaca soo noqnoqda.
Sida lagu sheegay bayaanka OCHA, colaadaha ayaa qoysas badan ku khasbay inay guryahooda ka cararaan, iyagoo luminaya fursadihii ay ku heli lahaayeen badbaado, adeegyada aasaasiga ah iyo gargaarka bani’aadannimo.
Hay’addu waxay ka digtay in xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo ay sii xumaanayso, iyadoo ay jirto khatar sii kordhaysa oo macaluul ah, nafaqo-darro baahsan oo carruurta haysata iyo saadaasha daadad ka dhasha roobabka El Niño.
OCHA ayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda ugu baaqday inay si degdeg ah u dejiyaan xiisadaha, muujiyaan is-xakameyn buuxda, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii kordhin karta rabshadaha.
Waxay sidoo kale ku adkaysay in la ilaaliyo dadka rayidka ah iyo kaabayaasha ay bulshada ku tiirsan tahay, iyadoo xustay in sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada uu dhigayo in la dhowro goobaha caafimaadka, isbitaallada, dugsiyada iyo xarumaha kale ee rayidka.
Hay’addu waxay sheegtay in weerarrada lagu qaado xarumaha caafimaadka ay mamnuuc ka yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, iyadoo ku baaqday in shaqaalaha iyo hantida hay’adaha gargaarka laga ilaaliyo khataraha amni.
Waxay sidoo kale dalbatay in hay’adaha bani’aadannimadu ay helaan marin ammaan ah oo degdeg ah, si aan wax carqalad ah ama takoorid ah loogu hor istaagin gaarsiinta gargaarka dadka ay colaadaha saameeyeen.
OCHA ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay inay caawiyaan dadka ugu nugul, isla markaana ay la shaqeeyaan maamulka iyo bulshada si looga hortago in xaaladdu kasii darto.
Si kastaba, hay’addu waxay carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay tallaabo degdeg ah oo lagu soo afjarayo rabshadaha, laguna hortagayo barakac hor leh iyo dhibaato soo gaarta nolosha iyo karaamada dadka rayidka ah.
Bayaanka ayaa ku soo dhammaaday baaq loo jeediyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, kaas oo ah inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, kana hortagaan dhibaato hor leh oo soo gaarta shacabka Baydhabo.
