Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, oo ka hadlay wadahadallada Mareykanka uu kula jiro Iiraan.
Wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri;“Toddobaadkii hore waxaan aragnay Madaxweyne Trump oo Iiraan ugu hanjabay weerarkii milatari ee ugu weynaa tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Hadda, taas ka dib, waxaan wadahadallo kula jirnaa Iiraan.
Waxaan aaminsanahay in maanta ama berri ay jirto fursad aan ku gaari karno heshiis ku saabsan dib u furista marin-biyoodka Hormuz.”
Dhanka kale Qadar ayaa sheegtay in dhexdhexaadiyeyaashu ay sii wadaan dadaalladooda ay ku raadinayaan xal diblomaasiyadeed oo lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, balse aysan jirin wada-hadallo toos ah oo la qorsheeyay.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar, Majid Ansari, ayaa yiri: “Waxaan xaqiijinaynaa in dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha ee lala wado dhammaan dhinacyadu ay weli socdaan.”
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay in diiradda wada-hadalladu ay saaran tahay “xal muddo-gaaban ah oo gacan ka geysan doona dib u soo nooleynta wada-hadallada iyo ku soo laabashada geeddi-socodka guud ee dhexdhexaadinta.”
Qadar, iyadoo ay weheliso Pakistan, ayaa ka mid ah dalalka dhexdhexaadiya khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.
