Xulka qaranka Spain ayaa dhiggooda Faransiiska uga dhaartay in ay markii 3aad oo xidhiidh ah iska xaadiriyaan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka iyaga sidoo kale Mbappe ka soomiyey in uu booqdo shabaqooda wax gool ah ku hubsado.
Spain ayaa iska xaadirisay wareegga kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka waxana tan ugu dambaysay 2010-kii oo koobka ay ku guulaystay.
Halka Faransiisku uu labadii Koob ee ugu dambeeyey uu iska xaadiriyey ciyaarta kama dambaysta ah.
Madrid xulka ka yimid ayaa hadda sugaya cidda u soo bixi doonta Argentina iyo England oo soo kala baxaya.
Waxaa soo caan baxday odhaah ah. “Dal kasta wuxuu ka cabsadaa Faransiiska, Faransiiskuna wuxuu ka baqaa Spain.”
Ma kula tahay Koobkan waxa qaadaysa Spain?

