Tuesday, October 6, 2026

Iiraan Oo War Adag kasoo Saartay Habka Faransiiska ula Tacaalayo Mudaharaadyada ka socda Paris

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa reer galbeedka ula xisaabtamaysa , sida ay dunidda ku wajahaan, iyadoo maanta wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ay u yeertay safiirka Faransiiska u fadhiya Tehran, oo loo gudbiyay sida ay Iiraan uga soo horjeedo habka uu Faransiiska ula tacaalayo mudaharaadyada ka socda Paris iyo gobollada Faransiiska.

Mudaharaadadan ayaa waxa hormuud ka ah, ardayda, macallimiinta iskuullada iyo waalidiinta Faransiiska, kuwaasoo ka cabayana hoos u dhaca tirada macallimiinta dugsiyada hoose illaa sare, fasalada oo cariir ah iyo tayada waxbarashada Faransiiska oo ay ku sheegaya mid hooseysa.

Iiraan, waxay ugu baaqday dawladda Faransiiska inay ixtiraamto xuquuqda aasaasiga ah ee dadka, oo ay ku jirto xaqa ay u leeyihiin inay si nabad ah isu soo baxaan.

Hadalladan iyo habka ay Iiraan u wajahday Faransiiska , waa isla hannaanka dalalka reer galbeedka ay ula hadlaan dalalka kale, marka ay ka socdaan mudaharaadyo, iyadoo la xasuusto Mareykanka markii uu qaadayay weerarka Iiraan inuu ku cududaartay Iiraan inay disho oo ay cadaadinayso dadka dhigaya bannaanbaxyada looga soo horjeedo nidaamka kacaanka. Isla habkan Iiraan ayaa ula macaamilaysa hadda reer galbeedka

Screenshot