Sida ay daabacday wakaaladda wararka Itoobiya; Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa ka cadhootay ku biirista Soomaaliya ee isbaahaysiga Masar, Eriteriya & Suudaan, iyada oo Madaxweyne Xasan ku tilmaantay in uu khiyaamay!
Itoobiya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamtay Khiyaanoole, iyagoo ku eedeeyey in uu la saaxiibay dalal cadow ku ah danaha Itoobiya ama uu kasoo muuqday Xulufaysigii Ereteriya iyo Masar.
Itoobiya waxa ay ku andacootay in ay naf iyo maal u hurtay dhismaha & amniga dadka Soomaaliyeed oo ilaa maanta askarteedu ku dhimanayaan Baydhabo ilaa Beledweyne, balse deriskeeda (DFS) ay ka safatay.
Dhanka kale Itoobiya ayaa Somalia ulib sheegatay iyadoo sheegtay, “Xasan Sheekh ma eegin abaalkii aan ugalnay”..
AddisAbaba waxa ay ku goodisey in nabad-waarta aysan Geeska Afrika ka hirgalayn, iyada oo la diidan yahay xuquuqda dad kale.

