8
Sida ay werisey Idaacadda DW ee Jarmalka; Ciidamada Eriteriya ayaa galay gobolka Tigrey ee Itoobiya, iyaga oo lagu arkay magaalada Adigarat.
Xukuumadda Itoobiya ayaa maalmo ka-hor kooxda TPLF ka qabsatay badi deegaannada Woqooyi, waxa se hadda muuqata in xiisaddu isu rogaysa mid heer gobol ah.
Masar, Eriteriya, Suudaan & Soomaaliya ayaa dorraad ku isku-afgaray in ay xaaladda gobolka ka yeeshaan iskaashi-dhow, tan oo Itoobiya ku tilmaantay mid iyada ka dhan ah.
