Thursday, September 24, 2026

CIA-da Mareykanka Oo a Wadaagtay Dalal ka Tirsan Yurub Inay la kulmi karaan Weerarro Diyaaradaha Ruushka ah

by Heemaaln
4 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA-da ayaa lagu warramayaa inay la wadaagtay dalalka Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain inay la kulmi karaan weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca Gerbera oo ah nooc dib uu Ruushku u hagaajiyay oo laga tixraacay diyaaradaha Iiraan ee Shahed 136.

Xogta ay baahisay warbaahinta Yurub oo ay ku jiraan Euro news , Independent iyo Guardian ayaa lagu sheegay Ruushku inuu weerarradan fulin karo isagoo adeegsanaya maraakiib ganacsi oo lagu dhex farsameeyay goobo ay ka duuli karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo gaari kara bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaal, magaalooyin ay ka mid yihiin Barcelona, Marseille, Rome iyo Naples.

CIA-da ma awoodin inay oggaato goobaha ay maraakiibtan ka soo hagi karaan diyaaradaha , sidoo kale lama aqoonsan xilliga uu weerar noocan ah Ruushku fulin karo, kaasoo jiho kale u rogaya xaaladda dunidda iyo dagaalka reer galbeedka iyo Ruushka.

Ma dhabaa in Ruushku fulin karo weerarkan?

Maxaa dhacaya haddii weerar nooc ah fuliyo Ruushku?

Putin, wuxuu marar badan ku celceliyay inuusan Ruushku lahayn hami uu ku weerarro Yurub, sidoo kale wuxuu mar kasta beeniyaa hadallada ka soo baxa hoggaamiyeyaasha Yurub oo ka diga khatarta Ruushka, kuwaasoo mararka qaar soo bandhiga inuu Ruushku sugayo waqti, balse uu soo weerarri doono Yurub.

Balse, waxaa jira wax uusan marna qarin Putin oo ah reer Yurub inay yihiin cidda baasiinka ku shubaysa dagaalka Ukraine oo hortaagan dagaalka in la joojiyo.

Haddii Ruushku ku diyaarinayo weerarkan, fikradayda waxaa jirta wax uu Ruushku ka bartay dagaalka Iiraan, taa oo aan ula jeedo wuxuu Putin, doonaya in dagaalka Ukraine la joojiyo, isla markaana Ruushku ka gudbo cadaadiska iyo cunaqabateynada uu reer galbeedka ka wajahayo, si taa u dhacdo waa in reer galbeedka si toos ah dagaalka loogu soo jiida oo la gaarsiiya khasaare ku qasbaya inay raadiyaan habab lagu gaarsiiyo cadaadis ku qasbaya in dagaalka Ukraine lagu joojiyo habab Ruushka waxtar u leh oo ay ku jirto in Ruushka laga qaado cunaqabateynta burburisay dhaqaalihiisa.

Haddii aad la socoto dagaalka Ukraine , wuxuu hadda isku beddelay mid si khatar badan u saameeyay Ruushku, sababtoo ah muddooyinkii u dambeeyay waxay Ukraine si toos ah u garaacaysay Moscow , halka ay beegsatay warshadaha shidaalka Ruushka oo qaarkood shaqada laga saaray, taasoo haddii ay sii socoto halis ku ah Ruushka.

Dhibka kale , wuxuu yahay in Ukraine ay la qabsatay dagaalka oo hadda si deg deg ah uusan saameyn ugu lahayn weerarrada ka imaanaya Ruushka , tan oo Ruushku u arko mid hoos u dhigaysa saameynta ka dhalanaysa weerarradiisa, oo ay weheliso Ukraine hadda inay isku rogayso dal leh wax soosaar hub iyo tiknoolajiyad,halka ay taageerro ka helayaan reer galbeedka oo dagaalka Ukraine u adeegsanaya meel ay ku xannibaan Ruushka.

Si tan meesha looga saaro, Ruushku wuxuu iskudayi karaa in dagaalka uu ka gudbiyo Ukraine oo la gaarsiiyo dhinacyo aan u adkaysan karin dagaalka , iyadoo xisaabta waxa ka soo baxaya ay tahay in la taabto Yurub , si fudud Iiraan, waxay fahantay weerarrada Mareykanka haddii ay uga jawaabto beegsiga maraakiibta Mareykanka iyo Israa’iil inaysan sabab u noqon karin joojinta dagaalka, taa beddelkeeda waxay Iiraan beegsatay dalalka Khaliijka oo ay garaacday warshadaha shidaalka,taasi waa mid ka mid ah cadaadisyada dhaliyay dagaalka in la hakiyo, isla markaana ay dagaalka u rogto meel ay ku raadiso inay ka soo baxdo cadaadiskii 45 sanno ay ku hayeen reer galbeedka oo ay ugu horreeyaan in cunaqabateynta laga qaado, loona sii daayo lacagihii waqtiga dheer ka xannibna, isla xaaladan oo Ruushku dhexda uga jiro.

Sidoo kale , Ruushku wuxuu arkaa kala qaybsanaan aan horey usoo marin oo ka dhex jirta reer galbeedka , joogitaanka Trump ee Aqalka Cad oo meesha ka saaraysa Mareykanka inuu si dhaqso ah taageerro u bixiyo, isku darka arrimaha oo ay weheliso Shiinaha oo si ka badan waqti kasta oo hore diyaar u ah inuu Ruushku iyo Iiraan ka taageerro miisaaniyadooda si aysan dagaallada ugu jebin, sabab dhaqaale ,taasoo Shiinaha siinaysa isagoon xabbad ridin inuu burburiyo awoodda reer galbeedka , oo gaarsiin karta hamiga uu ku doonayo awoodda dhaqaale iyo militari ee koowaad uu ku noqon karo.

Dagaalka Iiraan, waxaa kaloo Ruushka iyo Shiinaha ay ka barteen dagaal jihooyin badan ah inaysan awood u lahayn reer galbeedka , halka reer Yurubna ay yihiin kuwa ku tiirsan taageerrada Mareykanka oo hadda dhexda uga jira dagaalka Iiraan.

Arrimahan waxay noqon karaan waxa Ruushku ku dhiirrigelin karta weerar uu ku qaado Yurub, mar horana wuxuu Ruushku sameeyay tijaabooyin uu ku oggaaday meelaha uu ka diciifsanyahay nidaamka difaaca Yurub, digniinta hore ilaa sida ay dhacdooyinka ay uga jawaabayso NATO.

Xaaladan haddii ay dhacdo, waxa xiga waa inay reer galbeedku galaan dagaal jihooyin badan ah oo xataa Shiinihu ku biiro karo, isagoo weerarrada ka gaysanaya Taiwan iyo dalalka ku hareeraysan badda Shiinaha, ama reer galbeedku waxay oggolaanayaan shuruudaha Ruushku uu doonayo oo ay qayb ka tahay in cunaqabateyn laga qaado ama la dhaqangeliyo hamiga Shiinaha ee ah haddii aan nidaamka reer galbeedku gabi ahaanba aan la baabi’in karin waa in dunidda yeelato awooddo firirsan oo ka baxdan gacanta Mareykanka.

Waxa cabsida lehna waa inta xisaabtan lagu jiro ay dhacaan qaladaad dhalin kara iska horimaad toos ah oo quwadaha dhex mara oo albaab u furi kara dagaal weyn iyo ugu dambeyn dagaalkii saddexaad ee dunidda.

Screenshot

Screenshot