Xildhibaanadda Hind Al-Abbasi Oo ka Mid Noqotay 47 Siyaasi Oo Eedo Musuq Loogu Xiray Ciraaq.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa xiray xildhibaanadda baarlamaanka Hind Al-Abbasi, oo laga soo doorto gobolka Salaxudiin kana tirsan isbahaysiga Al-Azm, iyadoo ka mid ah 47 siyaasiyiin iyo saraakiil dowladeed oo lagu qabtay howlgal ballaaran oo ka dhan ah musuq-maasuqa.

Mas’uuliyiinta Ciraaq ayaa sheegay in baaritaannadu la xiriiraan eedeymo ku saabsan lunsiga hantida dowladda iyo musuq-maasuq. Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay inay gacanta ku dhigtay in ka badan $85 milyan, hanti ma-guurto ah, gaadiid iyo dahab oo lala xiriirinayo kiisas musuq-maasuq oo socda.

Screenshot

Screenshot