Madaxweyne Erdogan: “Waxaa nahay Rejada keliya ee Sugayaan Muslimiinta Dunida oo dhan.”

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Turkiga oo la hadlayay xubnaha xisbigiisa AK party ayaa fariin u direy caalamka, Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu yahay rajada keliya ee muslimiintu ay ka war sugayaan, dhamaan dalalka dhibaateeysan ee muslimiintuna ay sugayaan taageerada Turkiga.

Erdogan ayaa yidhi “Dhaqdhaqaaqan Ak party maaha oo keliya rajada 86 milyan ee shacabka Turkiga, balse sidoo kale waa rajada Ummada Islaamka.”

“Ha niyad jabina, waxaad tihiin rajada keliya ee Q/–sa, Dimishiq, Xalab, Muqdisho, Khartuun, Bayruud, Tripoli, Shaam iyo Lubnaan. Ha iloobina, Nicosia, Baku, Sarajevo, Skopje, Prizren, Baqdaad iyo Basra dhammaantood way idin soo eegayaan.”