Maraykanka oo ogolaaday in uu hub ka iibiyo bariga dhexe, Sacuudiga iyo Qatar oo laga reebay

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa siisay oggolaansho iibinta hub ka badan 8.6 bilyan oo dollar, kaas oo laga iibinayo Israel iyo saddex dal oo kale oo xulafadiisa ah oo ku yaalla Bariga Dhexe.

Oggolaanshahan ayaa la shaaciyey Jimcihii, sagaal maalmood kadib markii Maraykanka iyo Israel ay bilaabeen weerar ka dhan ah Iran. Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa sheegay in ay jirto xaalad degdeg ah oo u baahan in si toos ah loo ansixiyo, iyada oo aan la marin Kongareeska, taas oo caadi ahaan habraaca ah.

Marka laga reebo Israel, dalalka Qatar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sidoo kale loo oggolaaday inay hub cusub ka iibsadaan Maraykanka. Wadarta qiimaha iibkan la oggolaaday ayaa gaaraya ku dhawaad 8.6 bilyan oo dollar.

Qaybta ugu weyn ee lacagtaas waxaa ku jira iibinta gantaallada Patriot iyo dib-u-buuxinta nidaamka difaaca gantaallada ee Kuwait, taas oo ku kacaysa 4 bilyan oo dollar. Waxaa kale oo ku jira Advanced Precision Kill Weapon System (APKWS), oo ah qalab ka dhigaya nidaam gantaallo oo hore u jiray mid si sax ah u beegsada bartilmaameedka, qiimihiisuna yahay ku dhawaad 1 bilyan oo dollar.

Israel sidoo kale waxay iibsanaysaa APKWS oo ku kacaya ku dhawaad 1 bilyan oo dollar, halka Imaaraadku uu ku bixinayo wax ka yar 150 milyan oo dollar isla nidaamkaas. Kuwait-na waxay iibsanaysaa nidaamyada maamulka dagaalka (combat management systems) oo qiimahoodu yahay 2.5 bilyan oo dollar.

Heemaal News Network