Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay, António Guterres, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Lubnaan inay ka shaqeeyaan xal diblomaasiyadeed oo si buuxda u ixtiraama madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xorriyadda siyaasadeed ee Lubnaan.
Isagoo ka hadlayay kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Guterres wuxuu sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay in dowladda Lubnaan ay noqoto hay’adda keliya ee dalka ku leh hub sharci ah, arrintaas oo la xiriirta dadaallada lagu doonayo in hubka laga dhigo kooxda Hezbollah.
Guterres ayaa carrabka ku adkeeyay in geeddi-socod kasta oo lagu gaari karo xasillooni uu ku bilaabmo xabbad-joojin dhammaystiran oo ay ixtiraamaan dhammaan dhinacyadu, si loo yareeyo dhibaatada shacabka ku nool labada dhinac ee Khadka Buluugga ah, oo ah xadka aan rasmiga ahayn ee u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.
Sidoo kale wuxuu ammaanay doorka Maraykanka ee fududeynta wada-hadallada u dhexeeya saraakiisha Lubnaan iyo Israa’iil, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si buuxda u dhaqan geliyaan heshiiska xabbad-joojinta ee dhawaan lagu dhawaaqay.
“Ma jiro weerar dambe, mana jiri karaan marmarsiinyo dambe,” ayuu yiri Guterres, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda si loo helo nabad waarta oo gobolka ah.
