Madaxweynaha Turkiga maanta banaanka usoo baxay si cadna ugu badheeyay ISRL, wuxuuna Erdogan sheegay in Turkigu uu mardambe indhaha ka laaban doonin weerarada ka dhanka ah dalalka Suuriya iyo Lubnaan.
Wuxuu yidhi “Ammniga qaran ee Turkigu kama bilaabmo gobolka Hatay ee wuxuu ka bilaabmaa Xalab, Dimishiq iyo Bayruud, ma ogolaan doono, indhahana kama laaban doono weerar kasta oo lagu qaado dalalka walaalaheena.”
Falanqeeyayaal badan waxay sheegeen in Turkigu hada usoo cadaaday ISRL oo kaligeed ku amar ku taaglaynaysay gobola isla markaana weeraro isdaba jooga ku haysay Dalka Lubnaan, sidoo kalena marka ay doonto weeraraysay Dalka Suuriya.
Turkigu maka difaaci doonaa ISRL dalalka Lubnaan iyo Suuriya.?
