Xildhibaanadda Kongareeska Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota, Ilhan Omar, ayaa si adag uga falcelisay kiiska garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, kaas oo dhowaan loo diiday inuu galo Mareykanka inkastoo uu haystay fiiso sax ah oo loogu talagalay ka qeybgalka Koobka Adduunka ee FIFA 2026.
Qoraal ay baahisay ayaa Ilhan Omar ku sheegtay in Koobka Adduunku yahay munaasabad ay tahay inay dadka isu keento oo ay ka sarreyso kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo tan qowmiyadeed. Waxay xustay in inkastoo Cumar Cartan loo diiday gelitaanka Mareykanka, haddana sumcaddiisa, hibadiisa iyo taariikhdiisa ciyaareed ay sii jiri doonaan muddo dheer.
Ilhan Omar ayaa sidoo kale si toos ah u dhaleeceysay maamulka hadda ka jira Aqalka Cad, iyadoo ku tilmaantay “maamul cunsuriyad ku dhisan”, isla markaana ku doodday in tallaabada laga qaaday garsooraha Soomaaliyeed ay dhaawacayso qiyamka isboortiga iyo isku soo dhowaanshaha ummadaha kala duwan.
Hadalka Ilhan Omar ayaa kusoo aadaya xilli arrinta Cumar Cartan ay dhalisay falcelin xooggan oo gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba ah. Garsooraha oo loo aqoonsaday Garsooraha ugu Fiican Afrika sanadkii 2025 ayaa loo diiday gelitaanka Mareykanka inkastoo uu haystay fiiso iyo dukumentiyo rasmi ah oo FIFA ay siisay si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka 2026. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankaasi la xiriiray “walaacyo dhinaca baaritaanka amniga ah”, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah lama bixin.
Dhacdadan ayaa sababtay cambaareyn caalami ah, iyadoo mas’uuliyiin Soomaaliyeed, bahda kubadda cagta Afrika iyo ururro kala duwan ay ku tilmaameen arrin niyad jab ku ah isboortiga iyo garsoorayaasha ka socda dalalka soo koraya. FIFA ayaa dhankeeda xaqiijisay in Cartan uusan ka qeyb geli karin tartanka kadib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka.
Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, halkaas oo kumannaan qof ay isugu soo baxeen Garoonka Stadium Muqdisho si ay u muujiyaan taageeradooda. Soo dhaweyntaasi ayaa noqotay mid muujisay sida ay shacabka Soomaaliyeed ugu garab taagan yihiin garsooraha oo loo arkayo astaan qaran iyo shaqsi sumcad weyn u soo hooyay Soomaaliya.
