Dowladda Kenya ayaa Mareykanka u gacan gelisay muwaadin u dhashay Afghanistan oo lagu magacaabo Abdul Zahir Qadeer, kaas oo wajahaya eedeymo la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha iyo dambiyo hub.
Qadeer ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi bishii Abriil 2025, kadib amar qabasho oo ay soo saareen maxkamad ku taalla Mareykanka iyo INTERPOL. Kadib dhammaystirka dacwaddii maxkamadda Kenya, waxaa loo masaafuriyay Mareykanka 9-kii Luulyo 2026.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso iskaashiga dhow ee u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah.
