Maxbuus Falastiini ah oo ka Sheekeeyay Dhibaatooyin uu kala kulmay Ciidamada Israa’iil

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maxbuus hore oo Falastiini ah oo lagu magacaabo Imad Nabhan ayaa TRT Arabic uga ka sheekeeyay dhibaatooyin uu sheegay inuu kala kulmay ciidamada Israa’iil, ka dib markii lagu qabtay gudaha marinka Qasa.

Nabhan wuxuu sheegay in lagu xiray sanduuq alwaax ah muddo 12 maalmood ah, isagoo ku jiray meel mugdi ah oo gacmaha iyo lugaha ka xiran yihiin. Wuxuu sheegay in cuntada iyo cabitaanka loo siin jiray si aad u yar, iyadoo tubo yar laga soo gelin jiray daloolo yaryar oo sanduuqa ku yiillay.

Sida uu sheegay, ciidamada Israa’iil ayaa ka qafaashay iskuul ku yaalla Qasa, xilli isaga iyo dad kale oo rayid ah ay u socdeen goob ay gabaad ka dhigtaan. Wuxuu sidoo kale sheegay in lagu cadaadiyay inuu noqdo mid xogta gododka Xamaas uga soo aruuriya ciidanka Israa’iil.

Nabhan wuxuu tilmaamay in markii uu diiday arrintaas lagu sameeyay jirdil koronto, kadibna lagu riday sanduuqaas. Wuxuu yiri ciidamada waxay ogaayeen inaysan jirin wax xog ah muhiim ah oo aan hayay, balse waxay doonayeen inay xanuun badan gaarsiiyaan.

“Waqtigaas waxaad jeclaaneysaa dhimasho, laakiin ma heleysid,” ayuu yiri Nabhan isagoo ka hadlayay xaaladdii uu ku jiray.

Ka dib markii la sii daayay wuxuu sheegay inuu la kulmay suuxdin iyo gariir badan maalin kasta, isla markaana uusan helin daryeel caafimaad dhowr maalmood ah.