Iiraan ayaa maanta sheegtay inay fashilisay isku day lagu doonayay in hub iyo rasaas badan lagu soo geliyo gudaha dalka, kuwaasoo ay wadeen kooxo kasoo tallaabay dhinaca waqooyiga Ciraaq.
Sida ay werisay wakaaladda wararka Fars oo xiriir dhow la leh ciidamada Iiraan, ciidamada ilaalada kacaanka ayaa fuliyay howlgal ay ku burburiyeen kooxdaas, iyadoo Tehran ay sheegtay inay taageero ka helayeen Mareykanka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada ilaalada kacaanka ayaa lagu sheegay in kooxda lagu weeraray gobolka Kurdistan, islamarkaana howlgalka lagu qabtay hub iyo rasaas tiro badan
Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Tehran iyo Washington ay weli socdaan, iyadoo Pakistan ay door ka qaadanayso dhexdhexaadinta xiriirka labada dhinac.
Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxo farsamo oo ka kala socday Iran iyo Cumaan ay ku kulmeen dalka Cumaan si ay uga wada xaajoodaan hannaan lagu xaqiijinayo marin ammaan ah oo laga helo marin-biyoodka Hormuz.
