Sacuudiga ayaa Maraykanka u diray cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta, horraantii bishii April, xilligaa oo Sacuudiga uu ku eedeyay inuu Imaaraadku weerarro argoosi ah ka fulinayo gudaha Iiraan,iyadoo weerarradan la sheegay inay Abu Dhabi ku beegsatay xarumo shidaal oo ku yaalla Bandar Abbas iyo Asaluyeh oo ah magaalooyin ku yaalla koonfurta Iiraan.sida uu ku waramay Wargeyska Wall Street Journal.
Sacuudigu, wuxuu digay in tallaabooyinkaas ay keeni karaan in Iiraan ay dib u weerarto kaabeyaasha shidaalka ee dalalka Khaliijka, taasoo sidoo kale kor u qaadi karta qiimaha shidaalka.
Sidoo kale, Sacuudigu wuxuu Mareykanka ka codsaday inuu cadaadis saaro Imaaraadka si ay u joojiyaan weerarrada, kuna biiraan wadahadalka iyo xalinta siyaasadeed ee xiisadda.
