Thursday, April 30, 2026

Madaxweyne ku-xigeenka Iiraan Oo si Adag Ula Hadlay Madaxda Dalalka Khaliijka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne ku-xigeenka Iiraan, Mohammad Reza Aref ayaa maanta sheegay in amniga Khaliijka uu yahay arrin Iiraan aysan ka tanaasuli karin,sida ay baahisay CNN Carabi.

Wuxuu fariin u diray dalalka Khaliijka, isagoo yiri; “Waa waqtigii la beddeli lahaa fikirrada hore, lana joojin lahaa ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keeno.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan ay gacan u fidinayso dalalka Khaliijka, islamarkaana ay rabto xiriir saaxiibtinimo. Wuxuu aaminsan yahay in amniga gobolka lagu gaari karo keliya marka dalalka Khaliijka ay is fahmaan oo ay wada shaqeeyaan, iyada oo aanay jirin faragelin shisheeye.

Waxaa kaloo uu sheegay in Iiraan ay isku aragto dal muhiim u ah xasilloonida gobolka, isla markaana nabad waarta lagu heli karo wada shaqayn iyo awood wadajir ah.Wuxuu intaas ku daray in xaaladda hadda jirta ay tahay mid xasaasi ah, isla markaana gobolka uu wajihi karo isbeddello waaweyn. Wuxuu mar kale adkeeyay in amniga Khaliijka uusan ahayn arrin laga gorgortami karo.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha Iiraan, Eskandar Momeni ayaa sheegay in Khaliijku uusan ahayn kaliya meel muhiim ah, balse uu yahay astaan muujinaysa xoogga iyo adkaysiga Iiraan.