Booliiska Ingiriiska ayaa shaaciyay muwaadiin Ingiriis ah oo ku dhashay Soomaaliya oo da’diisa lagu sheegay 45 jir , kaasoo shalay weerar mindi ah ku dhaawacay labo nin oo Yahuud ah waqooyiga London inuu ahaa qof qaba dhibaatooyin caafimaad oo maskaxda ah, xilligana lagu hayo xabsiga.
Booliska ayaa sheegay in la qabtay kadib markii lagu joojiyay qalabka korontada ee lagu suuxiyo dadka (Taser), xilli uu isku dayay inuu weeraro askar boolis ah.
Sidoo kale, baadhitaanno hordhac ah ayaa muujinaya in tuhmanuhu uu ku lug lahaa dhacdo kale oo rabshad wadata oo isla maalintaas ka dhacday koonfur-bari London, taasoo qof kale uu ka soo gaadhay dhaawac fudud. Taliyaha booliska London, Mark Rowley, ayaa sheegay in tuhmanaha uu horey u lahaa taariikh ku suntan rabshado culus iyo dhibaatooyin dhinaca caafimaadka maskaxda ah.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan weerarrada ka dhanka ah Yuhuudda ee gudaha UK, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo ammaanka bulshada Yuhuudda ah. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madax kale ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka.
