Thursday, April 30, 2026

Pakistan Oo Maanta Furtay Lix Waddo Oo Badeecooyinka Loogu Geynayo Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Pakistan ayaa maanta furtay lix waddo oo dhulka ah oo badeecooyinka lagu geynayo Iiraan, taasoo si dhaqso ah u jebisay wax ka badan 50% cunaqabateyntii Mareykanka uu saaray dekedaha Iiraan.

Go’aankan wuxuu ku soo beegmay maalmo kadib booqashada wasiirka arrimaha dibadda Iiraan,Abbas Araghchi uu toddobaadkan ku tagay Islamabad, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo taliyaha ciidanka Asim Munir, iyadoo ka dib booqashadan ay soo saartay wasaaradda ganacsiga Pakistan in badeecooyin ka imanaya dalal kale lagu soo dejin karo dekedaha Pakistan, kadibna dhulka lagu geeyo Iiraan, marka laga reebo badeecooyinka ka imaanaya Hindiya.

Arrintan ayaa ka caawinaysa Iiraan inaysan saameyn kala kulmin go’doominta dekedaheeda ee Mareykanka.