Ex Danjire Tibor Nagy Oo Midawga Africa ku Dhaliilay Canbaryntii Safiirka Israel Ee Somaliland

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka u qaabbilsanaa Afrika Danjire Tibor Nagy ayaa si adag ula hadlay midawga Afrika iyo dhaleecayn u soo jeediyay safiirka Israa’iil Somaliland usoo magacaawday waxaana uu yidhi:

“Waa munaafaqad heerkeedu sarreeyo in Midowga Afrika ay cambaareeyaan in Israa’iil ay Safiir u magacawdo Somaliland.

Haddii xitaa badh ka mid ah xubnaha Midowga Afrika ay u maamuli lahaayeen dalalkooda si la mid ah sida hufan ee ay Somaliland u maamusho dhulkeeda, ama ay u ahaan lahaayeen kuwa dimuqraadi ah sida Somaliland, Midowga Afrika wuxuu ahaan lahaa urur shaqaynaya!” Danjire Tibor Nagy.